Uncategorized

Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay socdaan howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya

Taaliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dagaal ka dhanka Dadka isticmaala Walxaha maanka dooriya iyo kuwa iibiya oo qayb ka ah falalka Amni darro.

“Maandooriyuhu waxa uu kaalin ka qaataa amni darrada, tuugada, xasiloonida in ay faraha ka baxdo marka sababtaas ayaa lagu kalifeyso haddii aan nahay Booliiska Soomaaliyeed in aan sameyno wacyigelin maadaama qarash badan laga bixinayo oo haddii uu qofka waayo uu dhibaato geysanayo” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlayay BBC-da ayaa tilmaamay in  dhibaatooyinka waxyaabaha Maandooriyaha ay Soomaaliya kala siman tahay Afrika iyo Dowladaha horumaray kuwaas oo uu xusay in ay ka  kahortagi la’yihiin baabi’inta waxyaabahaas.

“Dhibaatooyinkaan Walxaha Maanka-dooriya ma aha wax Soomaaliya keliya ku kooban, Dowladaha sheeganaya in ay hormareen ayaa wax ka qaban la’ balse waxa aan diyaar u nahay Shacab iyo Ciidan in aan wax ka qabano waxaana socda wacyigelin guud oo aan isleenahay in lagu diirsan doonno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeen Cabdifitaax.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka hadlayay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca muqdisho, wuxuu sheegay in dhibaatooyinaas amni daro ay si lamid ah Soomaaliya ay ka dhacaan Dalalka ku faana in amnigooda meel sare uu gaaray.

“Falalkaan oo kale meel kasta ayay ka dhacaan, Magaalooyinka ugu Dilka badan waa kuwa Dadka awoodda badan sheeganaya ay yihiin, Balse Muqdisho oo ku taalla Geeska Afrika labo waddan oo Afrikaan ah oo awood dhaqaale & dhan maamul ka war heysid deris la ah in haddana la yiraahdo qof ayaa wax looga qaatay ama ku dhintay micnaheedu waxa ay tahay in naloogu hambalyeeyo in ammaanka la sugay oo Bulshada iyada wada shaqeysato” Sidaasi ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Hadalka Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Muqdisho degmooyin dhowr ah oo ka tirsan ay ka dhaceen muddooyinkii ugu dambeeyay falal amni daro, kuwaas oo la xiriira dilal loo geystay dad shacab ah iyo weeraro qorsheysan, iyadoo sidoo kale ay jiraan digniino soo baxaya oo ka imaanaya laamanaha amaanka.