Somali News

Booliska Soomaaliya oo Toogtay Shaqsiyaad damacsanaa inay dilaan masuul ka tirsan Dawladda Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta Degmada Howlwadaag ee Magaaladda Muqdisho ay ku dileen Afar ruux oo ay sheegeen in ay toogan rabeen Agaasime ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Xukumadda Faderaalka Soomaaliya

Gen Zakiyo Xuseen Axmed Taliye ku xigeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Ciidanka Ammaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan Afar ruux oo midkood Dumar ahayd oo doonayay in ay toogtaan Agaasimaha Howlaha Wasaradda Waxbarashada Cabdi Gare

“Ciidanka Boliiska Degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseyn ka dib waxeey Ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney ah oo hub siday” ayay tiri Gen Zakiyo Xuseen

Taliska Booliska ayaa sheegay in is rasaasayn dhex martay Dablayda iyo Ciidanka Ammaanka taasna ay u suurta gashay in ay toogtaan Afartaan Ruux

Boolisku wali ma aysan sheegin inay jiraan cid wax ku noqotay is rasaasayntaas dhinaca Shacabka iyo Ciidamada dhexdooda