Somali News

Booliska Soomaaliya oo xalay Baaritaano ka sameeyay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya  ayaa xalay baaritaano ka sameeyay degmada Warta nabada  ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanadan ayaa ka dambeeyay kadib markii  xalay Qarax Miino  uu ka dhacay Xaafadda Labo dhagax degmada Warta nabadda ee Gobalka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow maqaayada Al-nasri oo Ku taala xaafadda Labo dhagax ee Muqdisho.

Qaraxa meesha uu ka dhacay ayaa ah meel ay dad badan habeenkii ay fariistaan.

Qaraxa miino waxaa ku dhintay 2 qof waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 5 ruux

Taliska booliska dagmada Warta nabada iyo maamulka degmada wali wax faafaahin ah kama soo bixin.