Somali News

Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay koox burcad ah

Muqdiso-KNN-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta saldhigga degmada Waabari waxa ay kusoo bandhigeen rag lagu eedeeyay in ay dhac ka geysanayeen degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay saldhigga degmada Waabari ayaa sheegay in kooxdani ay xilliyada habeenkii ah dadka dhac ugaysan jireen, xilligina oo gacanta lagu soo dhigayna ay sharciga hortagi doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa ciidamada ammaanka waxa ay la hardamayaan kooxo burcad ah oo xilliyada qaar dadka ugeysta.