Somali News

Boortuqiiska oo ciidamo u diraya Mozambique

Boortuqiiska wuxuu sheegay in ciidamo uu u dirayo dalkii uu horraan guumeysan jiray ee Mozambique kadib weerarkii kooxo islaamiyiin ah ay ka fuliyeen waqooyiga dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Boortuqiiska Augusto Santos Silva ayaa sheegay in ciidamo gaarayo 60 haatan loo diyaarinayo sidii loo geyn lahaa Mozambique si ay u garab siiyaan ciidamada dalkaas.

Toddobaadkii lasoo dhaafay , boqolaal maleeshiyaad ah ayaa weerar ku qaaday magaalada Palma ee gobolka Cabo Delgado, halkaas oo tiro dad ah ay ku laayeen.

Halka boqolaal qofna ay ka carareen gobolka kuwaas oo ay kamid yihiin shaqaale ajaaniib ah oo ku howlanaa shidaal qodis.