Uncategorized

Boqolaal Askar Turkish oo ku soo wajahan Somalia si ay u carbiyaan Ciiddanka DF.

Muqdisho-KNN-Dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socota ee September u soo dirto Somalia ku-dhawaad 400 Askari, kuwaasi oo ka hawl-geli doona  Saldhigga Milliteri ee ay Turkiga ka hirgeliyeen magaalladda Muqdisho.

Wargeyska ARAB NEWS ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qpray inay Dowladda Turkiga ka furan doonto Somalia Saldhigii ugu ballaarnaa ee lagu tababarayo Milliteriga, waana Saldhigii ugu horreeyey ee ayTurkiga ka hirgeliyaan dal ka baxsan Baddaha.

Hirgelnta Dhismahaasi ayaa la bilaabay bishii March ee sannadkii 201-kii, waxaana ku baxday lacag dhan 50 million oo Dollar.

Saldhigaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 450 hectares, waxaana wejiga koowaad laga hirgeliyey 3 Dugsi lagu tababaro Milliteriga, Bakhaar iyo Hool weyn oo Jiifka iyo Cuntada.    Waxaa halkii mar lagu tababari karaa Askar tiradoodu dhanb tahay 10,000 Askar ka tirsan Ciiddanka DFS.

Wargeyska ARAB NEWS waxa uu Qoraalkiisa halkudheg uga dhigay: “Saldhigga Milliteriga Turkiga ee Somaliaa: Khatar ama Muhiimad ?, wuxuuna Wargeysku sheegay inay jiraan Walaac laga qabo inay Ciiddankaasi ku milmaan Dagaalka lagula jiro Dagaalamayaasha Alshabaab.

Prof. Sedat Aybar, oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda Aydin University ee  magaalladda Istanbul oo la hadlay Wargeyska ARAB NEWS ayaa sheegayinay Turkiga door wanaagsan ka qaateen Horumarinta Somalia

Waxa uu tilmaamay inaysan jirin cabsi ka dhalaan karta Saldhigga Turkiga ka furayso Muqdisho, wuxuuna ku dooday in Muqdisho laga saaray Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga oo xubin ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO taxadar kaga jirto  inaysan ku lug yeelanin Dagaalladda lagula jiro Alshabaab, waxayna qaadatay Tallaabo la mid ah Go’aanka Dowladda Maraykanka ee Xaalladda Somalia,

Dhinaca kale, Hasan Ozturk,oo ah Khabiir ku takhasusay Arrimaha Qaaradda Afrika ayaa sheegay in Saldhigga Milliteriga Turkiga ku yaallo meel Istaraatijiyad ah oo aad ugu dhow halka laga galo Gacan-biyoodka Cadmeed oo ku toosan Waqooyiga Muqdisho.

Wuxuuna xusay in Taageeradda Turkiga tahay mid ku faafaysa dalalka Afrika oo ay wax kala qabtaan Horumarinta iyo Tababarida Ciiddankooda.