Muqdisho-KNN-250 caruur muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray meel ciriiri badan oo ku taala xuduudda Mexico iyo Mareykanka halkaas oo lagu hayay muddo todobaadyo ah.
Qareenno uu garsoore ogolaansho u siiyay in ay caruurta soo arkaan ayaa sheegay in ilmaha aad lo dayacay.
Mid ka mid ah qareenadda ayaa BBC-da u sheegay in caruurta lagu xiray meel ay qolka iyo musqushu isku faranyihiin halkaas oo ay seexanayeen waxna ku cunayeen.
Qaar ka mid ah waalidiinta oo kasoo gudbay xuduudda Mareykanka kana yimid bartama America ayaa caruurtooda laga qaaday sanadkii 2018kii.
Barta xuduudda ee Gobolka Texas ayaa laga soo wariyay in todobo qof ay ku dhinteen todobaadkaan kuwaas oo isku dayay in ay ka maataan nidaamka socdaalka ee xuduudda.
Dadka dhintay waxaa ku jira labo caruur ah.
Caruurta lasoo daad gureeyay oo markii hore aysan cidina xanaaneyneyn ayaa hadda waxaa la geeyay goobo firaaqo leh oo ay daryeel ka heli karaan, sida masuuliyiinta Gobolku sheegeen.