Somali News

Boqolaal kun oo ku biiray dibadbaxyadda isbedalka cilimadda Canada.

Muqdisho-KNN-Boqolaal Kun oo qof ayaa ku biiray dibadbaxyadda isbadelka cimiladda oo ka dhacaya dalka Canada oo dhan, waxaana horay loo qorsheeyay ku dhawaad 100 isusoobax oo lagu qabanayo Caaasimadaha waaweyn iyo Magaalooyinka.

Dadkaan dibadbaxa dhigaya ayaa ka qayb qaadaanaya dhaq-dhaqaaqa lagu diidayo is badelka cimiladda aduunka, kaasi oo ay dad badan aduunyadda uga banaan baxeen.

Shacabka ayaa hogaamiyeyaasha waxaa ay ka doonayaan in ay qaataan go’aan wax ka qabanaya cimiladda sii kululaaneeysa ee Aduunka.

Gabar 16 jir ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa hogaamineeysa banaanbaxyadda xoogooda. Greta Thunbeg ayaa ku baaqday in shacabku ay madaxdooda ku cadaadiyaan badbaadinta mustaqbalkooda.

Magaaladda Montreal ayaa sidoo kale la filayaa in ay banaanbaxyadu ka dhaacaan, 300,000 oo qof ayaana xaadiri doona dibaxaas.