Somali News

Boqolaal Maxaabiis ah oo ku baxsaday Xabsi ku yaalla Nigeria

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nigeria ayaa xaqiijisay in boqolaal maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla duleedka Caasimada dalkaasi, ka dib weerar culus oo dagaalameyaasha Boko Xaram ay ku soo qaadeen Ciidamada Asluubta ee ilaalinayay Xabsigaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqleen jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan oo ka dhacay agagaarka xabsiga Kuje.

Ilaa 879 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga ayaa baxsaday, waxaana dib loo soo qabtay 443, halka weli booliisku baadi goobayaan 436 kale oo iyagu baxsaday.

Dadkaan baxsaday ayaa waxaa ay u badan yihiin rag ka tirsan ururka Boko Xaaram oona ku xirnaa, kuwaasi oo ku eedeysan dambiyo Argagaxiso iyo falal amniga li d ku ah.