Somali News

Boqolaal muhaajiriin ah oo la soo bad baadiyay

Muqdisho-KNN-Sida ay xaqiijisay hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR, boqolaal muhaajiriin ah ayaa laga soo bad baadiyay badda Meditranean-ka.

Muhaajiriintan ayay sheegtay hay’addu, in ay yihiin 400 oo ruux, kuwaas oo ku tahriibayay biyaha badda Meditranean-ka .

Sidoo kale bad baadinta muhaajiriinta ayaa waxa ay ku sheegtay hay’adda UNHCR in ay ahayd tallaabo fiican oo la qaaday.

Lama shaacin dalalka ay u dhasheen muhaajiriintan la bad badbaadiyay, balse waxaa la sheegay in dawlada Ingiriiska ay gacan weyn ka gaysatay, soo bad baadintooda.

Bishan aynu ku gudo jirno, ayaa waxaa la sheegay in ay sii kordhayaan tirada dadka muhaajiriinta ah, ee doonaya in ay ka gudbaan badda Meditranean-ka, si ay u gaaraan qaaradda Yurub