Somali News

Boqolaal qof oo dambiyo kala duwan ku eedeysan oo lagu xiray dhawr wadan oo caalamka ah


New York KNN: Ciidamada gaarka ah dalalka Maraykanka, Australia, New
Sealand iyo dalal kale ayaa lagu soo xir xiray qiyaastii 500 oo ruux oo
qaarkood ay ku eedeysanyihiin dilal iyo ka ganacsiga hubka iyo
maandooriyaha waxaana hawlgaladaan waxaa la sheegay in isku mar laga
sameeyay 18 wadan oo dunnida ah.
Wadamada ugu badan ee dadkan la tuhunsanyahay laga xir xiray waxaa
ugu horeeya Australia oo lagu xiray in ka badan 200 oo qof sida boolisku
sheegay.
Kooxahan la xir xiray ayaa la sheegay in sidoo kale lagu soo qabtay lacag
ka badan 35 million oo dollar.