Muqdisho-KNN-Booliska dalka Ruushka ayaa xabsiga dhigay in ka badan 300 oo ruux oo caasimadda dalkaas ka sameeyay dibad baxyo ay ku dalbanayeen in doorasho deegaan ay ka dhacdo magaalada Moscow.
Howlgal gaar ahaay oo ay ciidamadu sameeyeen ayay ku qabqabteen inta badan dadkii banaanbaxyada soo abaabulay.
War Booliska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadkii rabshada ka waday magaalo madaxda Ruushka ee Moscow in la xir xiray.
Axadii lasoo dhaafay kumanaan ruux ayaa magaalada Moscow ka dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen in la qabto doorasho xalaal ah.