Somali News

Boqolaal ruux oo lagu xir xiray dibad bax xoogan oo ka dhacay Jarmalka.

Booliska dalka Jarmalka ayaa xabsiga u taxaabay illaa iyo 300 oo ruux intii ay socdeen dibad baxyo xoogan oo wadankaasi ka dhacay.

ku dhawaad 40,000 oo ruux ayaa ka qayb qaadatay iskusoo baxa oo ka dhacay wadooyinka waa wayn ee caasimada Berlin.

Masuuliyiinta ayaa dibad baxyada ku eedeeyay kooxaha midigta fog oo meelaha qaar ku tuurayay dhagaxaan iyo dhalooyin.

Dibad baxyo kale ayaa ka dhacay meelo kamid ah Yurub iyagoona badankood looga soo hor jeedo xayiraadaha Fayraska-Karona.

Magaalooyinka kale ee lasoo wariyay in ay dibad baxyada ka dhaceen waxaa kamid ah Paris, Vienna iyo Zurich