Uncategorized

Boqorka Beelaha Daarood oo la sheegay in uu waan-waan ka dhax-bilaabay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo qaar ka mid ah Siyaasiinta Mucaaradka.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo ah Boqorka Beelaha Daarood uu bilaabay kulamo wax looga qabanayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiinta Mucaaradka ah.

Warar ka ayaa sheegaya in kulamada dhacay ay ahaayeen wadahadal telephone ah oo ka bilaawday Magaalada Muqdisho sida la sheegay, Boqorka ayaa Telephone kula hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo laga soo doortay Puntland iyo dad la sheegay in uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi.

Madaxweynaha iyo Xildhibaano taageersan oo laga soo doortay Puntland ayaa la sheegay in Boqorka ay uga hadleen Xaaladaha amniga, Siyaasadda, iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu war-giliyay dhibaato ka heysata Mucaaradka.

Dadka loo gudbiyay Boqor Burhaan Waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan magaalada Abu-Dubia ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiin ka ag-dhaw labada dhinaca ayaa KNN u sheegay in Boqor Burhaan uu Telephone kula hadlay Senator Cumar C/rashiid Ra’iisal Wasaarihii ee Soomaaliya wadahadalkaasi oo lay sugu soo noq noqday muddo Labo maalmood ah sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Boqorka burhaan oo ah Boqorka Beelaha Daarood oo hadlkiisa ay aad u qiimeeyaan siyaasiinta iyo Guud ahaan dadka uu hogaamiyo ayaa la sheegay in Cumar C/rashiid uu ku amray joojinta siyaasadda mucaaradka ah ee ku wajahan Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa laga dalbaday in uu ka soo Guuro Dalka Imaaraadka joojiyana xairiir la sheegay in uu la leeyahay Imaaraadka carabta oo saameyn balaaralan ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Boqor Burhaan ayaa arinta Soomaaliya kala hadlay Madaxweynaha Puntland C-wali Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Senator C/raxmaan faroole, waxa uuna ka dalbaday in la taageero Dowladda Madaxweyne Farmaajo lana joojiyo dhamaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara siyaasadda Dowladda.

Xogta ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sidoo kale sheegaysa in Culumaa’udiin Taageersan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah waxgaradka Muqdisho ay Boqorka ka dalbadayn in uu yimaado Muqdisho, waxaana kadib la filaya in la Iclaamiyo kulan ay u dhan yihiin dhamaan Waxgaradka Soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka mid ah siyaasiinta ka aragti Duwan hay’adda Fulinta Soomaaliya, waxa uuna dhowr jeer ee uu warbaahinta ka hadlay aad u dhaliilyay Madaxda Dowladda, sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta muddooyinkii dambe ku badnaa joogintaan Dalka isu tagga Imaaraadka carabta oo la sheegay in Soomaaliya ay faragilin ku heyso Siyaasadda Soomaaliya.