Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Nabadoonnada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in ay ka baxeen Doorashada ka socota dalka, isaga oo eedeyn u jeediyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Buurmadow oo ay garab taagan yihiin Siyaasiyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu faragelin ku wado Doorashada kuraasta deegaanada Gobolada Waqooyi.
“Waxaan caddeyn in aan faraha kala baxnay Doorashada Soomaaliya, in uu maamulanayo Ra’iisul wasaaraha ayaa arragnaa” ayuu yiri Boqor Buurmadow.
Waxaa uu baaq u diray Madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka, si ay u soo fara-geliyaan Cabashada ay ka muujiyeen Doorashada.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa dalbaday in la hakiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee dhowaan la shaaciyay in Muqdisho lagu dooranayo.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayuu ugu baaqay in joojiyo Doorashooyinka madlan, si loo xalliyo tabashooyinka ka taagan Doorashooyinka xildhibaanada la doortay.