Somali News

Boqortooyada UK oo ku baaqday in la soo afjaro xasaradda ka taagan wadanka Nigeria.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, Dominic Raab, ayaa ku baaqay in la soo afjaro qalalaasaha ka taagan dalka Nigeria, halkaas oo muddo labo toddobaad ah ay ka socdaan dibabaxyo looga soo horjeedo tacaddiyada ay booliisku geystaan.

Mr Raab ayaa sheegay in dowladda Nigeria “ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u baarto wararka la xiriira tacaddiyada ciidamada ammaanka ayna la xisaabtanto kuwa geystay”.

Wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qalalaasaha iyo dhimashada dadka rayidka ah.

Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 dibadbaxayaal ah ay ciidamada Nigeria Talaadadii ku dileen magaalada Lagos. Milatariga ayaase beeniyay arrintaas.