Somali News

Borris Johnson oo madaxda G7 ka codsanaya inay tallaalka COVID-19 ugu deeqaan dalalka saboolka ah

Ra’isul Wasaarahaa Ingiriiska C ayaa sheegay in uu ku boorrin doono madaxda kasoo qayb galeysa kulanka waddamada G7 ee la filayo in uu Jimcaha soo socda ka dhaco magaalada Cornwall in caalamka oo dhan la gaarsiiyo tallaalka xanuunka COVID-19 dabayaaqada sannadka 2022.

Dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan ayaa sheegay tirada tallaalka ay ugu deeqi doonaan Mashruuca Wadaaga Tallaalka Caalamka ee COVAX ee ay maamusho Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, laakiin Britain iyo Canada ma cayimin tirada ay bixin doonaan.