Somali News

Bortaqiiska oo madaxweyne ku xigeenka Angola ku eeday musuqmaasuq

Dacwad oogaha Bortaqiiska ayaa ku soo oogay eedo musuqmaasuq madaxweyne ku xigeenka Angola, Manuel Vicente.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in Mr Vicente bixiyey lacag laaluusha oo dhan 810,000 oo Dollar si loo joojiyo baadhitaan lagu hayey musuqmaasuq madaxweyne ku xigeenka lagu eedeeyey.

Laaluushkan lagu eedeeyey inuu bixiyey wuxu siiyey dacwad ooge hore oo la odhan jiray Orlando Figueira oo qudhiisana dacwad lagu soo oogay.

Sida ay ku warantay warbaahinta Bortaqiisku, qareennada Vicente ayaa beeniyey eedaha lagu soo oogay madaxweyne xigeenka.

Vicente wuxu mar ahaan jiray maareeyaha guud ee shirkadda baatroolka dawladda ee Sonangol waxaanu xilkaa hayey intii u dhexaysay 1999 ilaa 212. Jagadaas oo ah mid saamayn weyn leh oo haatanna ay hayso inanta uu dhalay madaxweynahu, Isabel Dos Santos.

Ka hort intii aanay soo bixin eedahan musuqqa ahi kal hore, waxa loo haystay inuu noqon doono ninka ugu haboon ee bedeli doona madaxweyne Jose Eduardo dos Santos, oo dalka Angola xukumayey ilaa 1997.