Dowladda Brazil ayaa sheegtay in ay iskadiiday yaabooh dhaqaale oo wadamada la’isku yiraahdo kooxda 7 doonayeen in ay wax kaga qabtaan kaynta hol caysa ee Amazon.
Madaxwaynaha dalka Faransiika Emmanuel Macron oo marti galiyay shirka G7 oo isniintii soo idlaaday ayaa ku dhawaaqay lacag gaaraysa $22 milyan.
Masuuliyiinta Brazil ma’aysan cadeen sababta ay ku diidan yihiin lacagta. Balse madaxwayne Jair Bolsonaro ayaa Faransiiska ku eedeeyay in ay ula dhaqmayso sidii gumayste.
Wasiirkiisa Gaashaandhiga’na waxa uu sheegay in aanan laxakamayn karin dabka ka holcaya kaynta Amazon.
“Macron waxa uu kari waayay in uu saadaaliyo gubashada kaniisad kamid ah dhaxalka dunida, haddana waxa uu doonayaa in cashir uu siiyo wadankeena” ayuu yiri madaxa shaqaalaha ee madaxwayne Bolsonaro.
Wadamada Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK, iyo Mareykanka oo dhamaantood ka qayb galay kulanka G7 ayaa muujiyay walaacooda ku aadan gubashada kaynta Amazon.