Somali News

Brazil: Tirada dhimashada Covid19 ee bishii hore oo gaartay 60,000

Bishii lasoo dhaafay dadka xanuunka Karona ugu dhintay dalka Brazil ayaa lagu sheegay in ay gaareen 66,570 ruux.

Tirada dhimashada ayaana labo jibaarantay marka lala bar bardhigo bishii ka horeesay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hanaanka caafimaad ee dalka uu bur buray.

Madaxwaynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa wajahaya cadaadis kii ugu xooganaa kadib markii dowladdiisa ay ku fashilantay wax ka qabashada xanuunkan.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in dalkiisa uu wajahayo labo cadow oo kala ah Fayriska-Karona iyo Shaqo la’aan.