Muqdisho-KNN-Dowladaha UK iyo Koonfurta Kuuriya ayaa gaaray heshiis ganacsiga xorta ah kaas oo baaqi sii ahaanaya kadib markii ay Britain kabaxdo midowga yurub.
Xoghayaha ganacsiga caalamiga ah ee UK Liam Fox ayaa heshiiskan lasaxiixday dhigiisa Koonfur Kuuriya mar ay labadooda kuwada sugnaayeen caasimada Seoul.
Heshiiskan ayaa noqondoona mid ay Britain ku xoojinayso ganacsiga ay lawaadgto wadamada ugu tunka wayn qaaradda Eeshiya kahor heshiiska ay kaga baxayso midowga yurub.
Heshiiska ayaana dhaqan gali doono 31’ka bisha October haddii ay UK midowga yurub kaga baxdo heshiis iyo heshiis la’aan intaba.
Heshiiska ayaa saamayn doono alaabaha ay Kuuriyada Kuunfureed u dhoofiso Britain kuwaas oo ay kamid yihiin gawaarida iyo maraakiibta oo ay kamacaashto balaayiin doolar.
Ganacsiga u dhaxeeyo UK iyo Kuunfurta kuuriya ayaa labo jibaarmay wixii kadanbeeyay sanadkii 2011’kii.
Britain ayaa illaa iyo haatan heshiisyo hordhac ah lagaartay 12 wadan oo ay kamid yihiin Norway, Israel, Switzerland iyo Chile.