Sida lagu daabacay wargeyska Express ka soo baxa magaalada Londan, Dowladda Ingriiska ayaa Soomaaliya u soo diraysa 250 askari, si ay dowladda Soomaaliya uga taageeraan dagaalka ay kula jirto dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Ciidamadan ayaa saldhig ka sameysan doona Soomaaliya, iyagoona tababaro siin doona ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wargeyska oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamadan ay badali doonaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee tababarada siin jiray ciidamada Soomaaliya.
Tillaabadan ayaa ku soo aaday, markii la asaasay Guutada Hawlgalka Khaaska ee ciidamada Ingriiska oo uu ku dhawaaqay Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka , Jeneral Mark Carleton-Smith oo hadda madax ka ah Ciiddanka Britain.
Dowladda ingriiska ayaa tillaanadan ay Soomaaliya ciidamo gaar ah ugu direyso ka hor shaacin doonta shirka ay yeelan doonaan madaxda dalalka loo yaqaan G7 bartamaha bisha soo ina soo aadan ee June. Shirkaasi oo uu sannadkaan Ingriisku marti gelin doono.
Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab iyadoo ay ciidamada Somalia iyo hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawiya dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.


