Uncategorized

Bulshada Rayidka ee Koonfur Galbeed oo ka tala-dhiibtay dib-u-eegista Dastuurka

Baydhabo-KNN-Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo ay wehliyaan Guddiga La-Socodka Baarlamaanka,Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan wada tashi ah oo ku aadan qorshe howleedka geedi socodka Dib-u- eegista dastuurka la yeeshay Bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka Waxaa furay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dastuurka Dr, Xuseen Cabdi Cilmi waxa uuna sharaaxaad guud ka bixiyay howlaha wasaaradda dastuurka iyo qorshaha wasaaradda ee ku aadan Dib u eegista dastuurka.Wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in latashi lala yeesho qaybaha Bulshada isagoo xusay in ay la tashanayaan dhammaan Dowlad goboleedyada Soomaaliya maantana ay nasiib u yeesheen in bulshada Koonfur Galbeed ay la kulmaan si ay ula wadaagaan qorshaha dib-u-eegista Dastuurka ayna u dhagaystaan ra’yigooda.

“waxaan ugu Horayn idin kaga mahadcelinyaa sida aad u soo ajiibteen kulanka talo wadaagga ah ee ku saabsan geedi socodka Dib-u-eegista Dastuurka, waana muhiim in qof kasta oo Soomaali ah uu talo ku yeesho Dib-u-Eegista Dastuurka maadaama uu saamaynayo jiilka hadda jira iyo midka dambaba, si loo gaarsiiyo qof kasta oo Soomaali ah waxa ay u baahantahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo, bulshada rayidkana ay qaybtooda ka qaataan sidii ay u sii gaarsiin lahaayeen una daadajin lahaayeen deegmooyinka iyo tuulooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka XFS.

Dhanka kale, xubnaha ka socday labada Guddi ee kala ah Guddiga La-Socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankooda carrabka ku adkeeyay in ay si wada jir ah ugu wada shaqaynayaan sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen dastuur dhamaystiran oo nidaamiya noloshooda.

Ugu dambayn, bulshada rayidka ee ka qayb galay kulanka ayaa soo jeediyay talooyin iyo su’alaao ku aadan qorshe howleedka dib u eegista dastuurka oo ay ku heshiiyeen labada Guddi iyo wasaaradda, sidoo kale waxa ay xuseen in ay tahay markii ugu horraysay oo ay arkaan hay’adaha u xilsaaran Dib-u-Eegista Dastuurka oo si wadajir ah ugu yimaada si ay ugala tashtaan Geedi socodka Dib u eegista Dastuurka. Gabagabadii dadkii ka soo qayb galay kulanka ayaa lala wadaagay qorshhaha Dib-u-Eegista dastuurka si ay uga soo talobixiyaan.