Muqdisho-KNN-Ciidamada badda Midowga Yurub ee ilaalada ka haaya xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in koox burcad badeed Soomaali ah ay weerar ku qaaden markab kiimiko siday oo watay calanka dalka Singabuur.
Ciidamadu waxa ay shaaca ka qaaden bayaan ay soo saaren in Markabkaas uu magaciisu yahay Liobord kana soo amba baxday dalka Saltanada Cuman kuna siijeday dalka Koofur Afrikca, kooxaha burcad badeeda Soomaali ah ayaa markabkaan ku weeraray laba doon oo aad u dheereya fogaan u dhaxeysa 160meyl, kana yimid dhanka xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada bada Midowga Yurub ayaa tilmaamay in koox ilaalo ah oo markabkaasi saarneyd ay iska caabiyeen kooxdii burcad badeeda aheed waxana israsaaseentoodii ay socotay mudo ku dhow 20daqiiqo taa oo markii dambe qasabtay in ay dib uga laabtaan kooxdii burcad badeeda aheed ee weerarka Soo qaaday.
Waa weerar noocisu yahay kii ugu horeeyay ee sanadkaan ay koox burcad badeed Soomaali ah ay Markab ku weeraraan xeebaha Soomaaliya.