Somali News

Burburka diyaaradii siday 50-qof oo laga helay biyaha Java

Muqdisho-KNN-Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Indonesia oo ay la socdeen 50-qof ayaa ku dhacday badda markii ay ka kacday caasimadda Jakarta, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta dowladda Indonesia.

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Indonesia Budi Karya Sumadi ayaa sheegay in diyaaradda Sriwijaya Air ee SJY 182 ay saarnaayeen 50 rakaab ah, oo ay ku jiraan 10 caruur ah, iyo 12 shaqaale ah, waxaana markaasi kadib ciidamada badda iyo laamaha gurmadku u hawlgaleen inay raadiyaan diyaaradda.

Saraakiisha ciidamada Badda Indonesia ayaa sheegay inay heleen burburka diyaaradda oo ku kala firirsanaa biyaha badda Java, waxaana ay sheegeen in cimilladu aad u liidato aagga diyaaraddu ku dhacday.

Wakaaladda raadinta iyo samatabixinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta ay diyaaraddu ku dhacday ay qiyaastii 1.5 KM u jirto labada jasiiradood, ilaa iyo hadda ma soo bixin faah faahin ku saabsan dadkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka baxday caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxayna ku sii jeeday Pontianak, oo ah caasimada gobolka West Kalimantan, iyadoo daqiiqado kadib markii ay duushay lumisay khadka isgaarsiinta.

Wax yar kadib markii ay garoonka Jakaarta ka duushay ayaa gabi ahaanba la waayey diyaaradda, sida ay sheegtay afhayeenka wasaaradda gaadiidka dalka Indonesia Adita Irawat.