Somali News

Burcad badeed soomaali ah oo Gacanta lagu dhigay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada badda ee dalka Hindiya ooqayb ka ah ciidamada la dagaalanka burcad badeeda soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo katirsan burcad badeeda soomaalida iyo waliba qoryihii ay wateen.

Qabashada ragan looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin burcad badeeda soomaalida ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab kaluumaysi oo marayay meel u jirta 20 mayl xeebta soomaaliya ee geeska qaarada afrika.

Burcadbadeeda ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaaalada badda ee dalka Hindiya ayaa waxa ay siteen 5 qori oo uu kamid yahay AK-47 iyo 471 rasaas ah.

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada badda Hindiya Captain DK Sharma waxaa la sii daayayburcad badeedii soomaalida kadib su’aalo dhawr ah oo ay waydiiyeen.

Burcadbadeeda soomaalida oo ay hoos u dhacday awoodii ay ku qafaalan jireen maraakiibta shisheeye ayaa waxa ay dagaal caalami ah kala kulmeen wadamo dhowrah sida India, China, Japan, Mareykanaka, Ruushka, Pakistan iyo wadamada kubahaysan midowga Yurub..