Somali News

Burcad xalay lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamada booliska  degmada Wadajir ee gobolka banaadir  ayaa xalay Gacanta ku soo  dhigay Sadex qof  oo burcad  ah, kuwaasi oo watay Mooto iyo labo biskoolad, waxaa ayna u adeegsanaayeen in ay dadka ku dhacaan

Ragaan burcada ah oo ciidamada gacanta ku soo dhigeen ayaa la sheegay in ay soo dhaceen  Moobilo aad u fara badan , waxaa ayna ku wateen Bac madow, waxaana gacanta ku dhigay Ciidamo uu hogaaminaayey Taliyaha Booliska degmada Wadajir.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in ay maqleen  Rasaas lagu raac deynayey Kooxdan xilligiga ay  ciidamada gacantooda ku soo dhigayaan, iyagoona  isku dayayay in ay  goobta ka baxsadan ciidamada.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxaa ay KNN u sheegeen in kooxdan ay xilliga habeenkii dhac ka geystaan degmada, islamarkaana ay  cabsi badan soo foodsaartay shacabka.

Taliska Booliska Somaaliya iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaan wali faahfaahin howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Dagmooyinka qaar ee gobolka banaadir ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa ay kooxo hubeesan oo burcad ah ay dadka ka qataan taleefanada iyo agabyada kale ee ay dadka wataan.