Somali News

Burundi oo ka hadashay tirada askartii loogu dilay weerarkii ka dhacay Balcad.

Muqdisho-KNN-Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa baahisay in ka badan 10 Askari Dowladda Burundi looga dilay qarax miino oo ciidan ka tirsan Howlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM lagu beegsaday inta u dhexaysa Muqdisho iyo Jowhar.

“Waxaa nalaku war-geliyay weerar wadada loogu galay in tiro ciidanka Brundi ah lagu dilay” ayey Wakaaladdu kasoo xigatay sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Kariim Xasan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Burundi kuna sugan magalaadda Bujumbura ayaa AFP tilifoonka ugu sheegay 12 Askari Dowladda Burundi looga dilay Qaraxa niimo lix kalena looga dhaawacay.

“Haa waa sax. Nasiib darro 12 askarteena ka mid ah ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhawacay weerar shalay  Al-shabaab kula beegsadeen xilli ay kasoo noqonayeen hwolgal ay ku joogen Jowhar oo ay Muqdisho usoo socdeen” ayuu sheegay Sarkaalkaan ka tirsan Dowladda Burundi oo diiday in uu magaciisa la baahiyo.

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qarxa ayaa war ay baahiyeen warbaahintooda ku sheegay  in ay dileen 14 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi.

Goobtii weerarka lagula beegsaday Ciidanka Burundi aya saaka xiran waxaana ay ciidanku halkaas kasamaynayaan miino baaris si ay uga bad-baadaan miinooyin kale oo ay suuragal tahay in ay Al-Shabaab wadada ku aaseen.

Sabtigii ayaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha ay Al-shabaab Ciidanka AMISOM ku beegsadeen waxaa ay ku dileen Shan xubnood oo uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee gobolka Shabeeladda Dhexe Cabdullahi Shitaawe.

Miinooyinka dhulka lagu aaso waa xeellad joogto oo ay Al-shabaab kula dagaalamaan Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka taageera waxaana xusid mudan in miinooyinka ay al-shabaab wadooyinka ku aasaan ay si aan kala sooc lahayn u dilaan cid walba oo wada adeegsata.

Sida ka dhacday wadooyinka labadda Shabeele gaadiid ay dad shacab ah la socdaan ayaa xilliyadda qaar ku aada meelaha Al-shabaab miinooyinku ku aaseen waxaana halkaas uu khasaare badan kasoo gaaraa shacab biri ma geydo ah.