Somali News

Buula-Barde oo ku dhawaad 30 sano kadib laga xusay Xuska 26-ka June.

Buula-Barde-KNN-Munaasabad lagu xusayay 58 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay ka dhacday magaalada Buula-Barde ee Gobolka hiiraan,

Gudoomiyaha Degmada Buula-Barde Cabdi Daahir Guure ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Buula-Barde.

Gudoomiye Cabdi Daahir  ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Degmada Buula-Barde Xasan Axmed Cilmi ( Xaseey Geesdiir ) ayaa munaasabada ka sheegay in gumeysi iyo xuriyad aanu isku mid aheyn sidaa darted waa in shacabka ka falceliyaan wax walba oo dhibaateyn kara xuriyadii ay heleen 26 June 1960kii.