Muqdisho-KNN-C/kariim Sheekh Muusa Qalbi Dhagax oo dhawaan laga siidaayay Xabsi la sheegay in uu ku jiray oo ku yaala dalka Itoobiya ayaa markii ugu joreysay la hadlay Warbaahinta kana hadlay arimo la xariiro xarigiisa.
C/kariim ayaa ugu horey u mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ay ka qeyb qaateen soo deysmadiisa.
“dadka Soomaaliyeed waxay ka mideysan yihiin walaaltinimada iyo Soomaalinimada laakiin waxaa kala qeyb qeybinaya Cadow Soomaaliyeed, waa hal dad, waa iski Diin, waa hal umad, sabab ay ku kala tagi karaana majirto”.
Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale yiri” runtii waxa ay aheyd taariikh lama ilaabaan ah, oo ku tuseysa inuu dadka Soomaaliyeed yahay dad walaalo ah, isku jir ah, isku dad ah, isku dan ah, qaraabo ah, wada dhashay, Soomaaliga jooga Lowya cadde iyo Baab-Mandab iyo midka jooga NFD iyo midka jooga Aashica, iyo midka jooga halka Diridhabe iyo Adis..All qof kasta oo Soomaali ahi waxaa uu ka mideysan yahay damiirka, wixii kala qeyb qeybinayaa waa cadaw Soomaaliyeed”.
Sikastaba ha`ahaatee C/kariim Sheekh Muusa Qalbi Dhagax kama uusan hadlin sababtii xiray laakiin wuxuu sheegay in xarigiisa ay ka dambeeyeen Ashkhaas yar oo Xamar joogta.