Uncategorized

C/Qeybdiid”midnimo iyo wada jir dalkaan kama dhaceyso inta dad xaqooda la dafirayo”

Muqdisho-KNN-Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka ka jira iyo gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa ayaa xalay ka dhacay aqalka dowladda hoose ee xamar.

Kukankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Reysal wasaare ku xigeenka dalka, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Soomaliya, xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka Soomaliya iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha gudiga lasocodka qabyo tirka dastuurka dalka u qaabilsan baarlamaanka soomaliya sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay mar hadii aan maqaamka muqsisho uyeelanyo aanan lagu cadeynin dastuurka dalka islamarkaana aanan lasiinin muqdisho xaqeeda aysan dalkaan ka dhacayn midnimo iyo wada jir maadamaa dad dhan xaqoodii ladifirayo.

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay mar uu hadlay in gobalka Banaadir u baahan yahay xaqa uuleeyahay.