Uncategorized

C/raxmaan C/shakuur oo ka soo hor muuqday Maxkamadda G/Banaadir.

Muqdisho-KNN-Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa galabta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir waxaana goob joog ahaa Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhageysiga Dacwada ayaa socotay mudo ku dhaw Saacad, waxaana Xeer ilaalinta laga  dhageestay eedeymaha loo soo jeediyay Siyaasiga sidoo kale waxaa la dhageestay qareenadii u doodayay Siyaasiga.

Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in muddo 5 maalmood ah loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo arintaan la xariirta.

Hase ahaatee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedaha loo heysto.

Dhinaca kale waxaa la dhageestay qarreenada u doodaya Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxayna sheegeyn in aan sharci loo marin soo qabashada siyaasiga iyo weerarkii lagu qaadayba Guriga Siyaasiga, waxayna dalbadeyn in uusan dambi lahayn oo la sii daayo C/raxmaan.

C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay qarreeno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay aheyd mid sharci darro ah, isla markaana aanu wax dambi ah laheyn.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xeer ilaalinta aysan maxkamadda hor keenin waaranti ama warqad fareysa soo qabashada siyaasiga sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur