Uncategorized

C/raxmaan C/shakuur oo Wakiil-nimadii kala noqday saddex qareen oo u doodaysay.

Muqdisho-KNN-Qoraal uu soo saaray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa uu ku sheegay in uu Wakiil-nimadii kala noqday  Saddexdii qareen oo u doodaysay, kaddib markii Maxkamadda Racfaanka ay dib u furtay kiiskii siyaasigan oo 21-kii bishan ay soo afjartay Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana dib ugu celisay Xoriyaddiisa, hase ahaatee Xeer Ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay.

Warqad qoraal ah oo uu qoray C/raxmaan C/shakuur Warsame ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

Hoos ka aqriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur Warsame.