Uncategorized

C/raxmaan C/shakuur”waxaa soo dhamaaday qeybtii koobaad ee Maxkamadda qeybta Labaad ayaa bilaaban doonto”

Muqdisho-KNN-Muddo ku dhawaad 5 maalmood ee uu xabsi ku jiray C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo muuqday warbaahinta waxa uuna ka hadlay arimo xasaasi ah kadib markii ay go’aamisay Maxkamadda in aanu wax dambi ah laheyn, dibna loogu soo celiyay xoriyaddiisa.

Cabdi-raxmaan Cabdi-shakuur Warsame ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa uu ahaa gardaro iyo dulmi, laguna laayay dhalinyaro u shaqeyneysa, hantidiisana lagu bur buriyay, isla markaana ay dhamaatay qeybtii hore ee dacwada, ayna jirto qeybta labaad ee dacwada sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo dhamaan intii dhinac istaagtay arrinteyda, cadaaladda ayaa guuleysatay, dacwada qeybta hore ayaa dhamaatay qeybta dambe wey furmi doontaa oo aniga xaqa aan u leeyahay, cidda igu soo been abuuratay beenteeda waa la caddeeyay”ayuu yiri  Warsame.

Warsame  ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loo celinin waxa uuna ka codsaday in ay Barlaamanka ay cadaaladda ilaaliyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka, waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyo lama joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoonk ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ugu baaqayaa inay sharciga taageeraan cid walba oo sharciga ka hor timaada ”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay la xisaabtamaan cidii mas’uuuliyadeeda gabtay.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa sheegtay in ay dambi ku weysay C/raxmaan C/Shakuur Warsame Islamarkaana uu fasax yahay wixii maanta ka dambeeyana uu fasax yahay, sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in aysan wax racfaan ah qaadan Karin Xeer ilaalinta.