Somali News

C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo Xubno ka tirsan Soomaaliland oo kulan ku yeeshay Nairobi

Nairobi-KNN-Wararka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kalena ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa Magalada Nairobi waxaa uu kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland.

Xubnaha  uu Siyaasiga la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID Eng Feysal Cali Waraabe, sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Dalka Kenya Maslax Abuukar Xaaji.

Sidoo kale masuuliyiinta ka socda Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay in ay kulamo qarsoodi ah ay magaalada Nairobi kula yeesheen Madaxda ugu sareysa ee Dalka Kenya, iyagoona Arimo badan kala hadlay, inkastoo ilaa iyo hada aan la helin waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmii dambe uu khilaaf u dhexeeyo dowladaha soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo aan weli xal laga gaarin.

Wixii ku soo kordha la soco.