Bera-Bara–KNN-C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa soo hadal qaaday Saldhigga Milateri ee Imaaraadka uu ka furtay Berbera waxa uuna sheegay in Saldhigaas uu Qatar u keeni karo Soomaaliland,isagoona Sheegay in Saldhigaasi uu noqon doono Xabsiyada ugu xun Caalamka sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa u sheegay in taasi ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Soomaaliland.
Waxaa uuna tilmaamay in shaqaalaha ka howlgala Dekeda Magaalada Berbera ay caqabad ku qabaan heshiiska Dekeda Berbera,islamarkaana waxaa shaaca ka qaaday in aysan Mushaarkooda loo kordhinin Shaqaalaha ka Shaqeeya Dekeda Berbera.
Shirkadda DP World oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay maamulka Dekedda.
Heshiis Saddex geesood ah ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP World, Somaliland iyo Itoobiy, waxa ayna yeelaneysaa DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%, Itoobiya oo DP World u aqoonsatay saaxiib dhinaca Istiraatiijiyadda ah ay siisay 19%, iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah Dekedda Berbera.