Somali News

Cabdi-Dheere oo sheegay in haddii la doorto uu Galmudug gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Cabdi Cabdullaahi Axmed “Cabdi-Dheere” oo ka mid ah musharixinta u taagan xilka Madaxwey naha Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu kulamo ka  bilaabay magaalada Caabud waaq ee gobolka Galgaduud.

Cabdi Dheere oo la hadlay dadkii ku soo dhaweeyay degmada Caabud waaq  ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu yahay in dad iyo deegaan barasho isla markaana uu u yimid Cabudwaaq si uu ugu kuurgalo xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaankaasi.

Waxaa uu sheegay in haddii la doorto uu Galmudug gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Intaas kaddib waxa uu la kumlay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugas Faarax oo ka mid ah ugaasyada gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kala hadlay xaaladda deegaanka, iyo adkeynta amaanka.

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa hadda waxaa ka bilowday Olole xooggan iyadoo shaqsi kasta dadaal xoog leh uu gelinayo sidii ku heli lahaa kursiga Madaxweynaha Galmudug