Somali News

Cabdi Maxamuud Cumar oo markale maxkamad ku taala Itoobiya ka hor Muuqday.

Muqdisho-KNN-Warar ka imaanaya Magaalada Addis ababa ee dalka itoobiya ayaa sheegaya in maanta markale maxkamad uu kasoo muuqday Madaxweynihii hore ee Gobolka Somalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ku eedeysan in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadinimada,waxaana iminka lagu soo waramayaa in ay socoto dhageysiga Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale ee la xiran.

Waa markii afaraad oo uu madaxweynihii hore ee Gobolka Somalida itoobiya lasoo taago maxkamad ku tallo magaalada addis ababa.

Xubnaha oo uu qeybta ka yahay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo hesytaa  intii aaney xukunka looga tuurin awooda in ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadinimada sida inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, hasa ahaate eedahaas Cabdi maxamuud cumar waxaa uu beeniyay.

Ma cada in maanta Maxkamadu xubnahaasi go’aan ay ka gaareyso,in kastoo cabdi maxamuud cumar uu  hore ra’iisul-wasaaraha itoobiya kaga dalbaday in cafis loo fidiyo