Somali News

Cabdi Maxamuud Cumar wali ma maamulayaa dowlad deegaanka?

Jigjiga-KNN-Galinkii danbe ee Shalay Jigjiga waxaa kasoo yeeray fariin sheegeeysa in uu isbadal dhacay, madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iscasilay,durbadiibadani waxaa madaxeeyne loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

Hadaba Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba ma isaga baxay taliska sare oo dowlad deegaan oo booska ma baneeyay, su’aasaha BbcSoomaali ayaa weeydiisay madaxweeynaha cusub ee la magacaabay.

Axmed waxa uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Soomaalida, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal.

Sidoo kale Bbc-du waxa ay weeydiisay madaxweeynaha cusub xaalka Cabdi Maxamuud Cumar uu ku suganyahay, iyo jagada uu xilligan hayo.

Madaxweynaha cusub ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Markale ayaa la weydiiyay waxa laga filankaro Cabdi Maxamuuud Cumar oo kursiga dhaliisha badan uu ku muteesyay 8-sano ku fadhiyay, iyo Mustaqbalka Saxiibkii halka uu ku danbeeyn karo.

Madaxweyne Axmed ayaa ku jawaabay “Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.

Ninka loo magacaabay madaxweynaha oo 32jir ah ayaa waxaa uu wajahayaa ansixin laga doonayo in ansixiyaan barlamaanka dowlad deegaanka, isbadal ayuuna balan qaaday madaxweynuhu, balse dad badan ayaa aaminsan in aysan waxba isbadali doonin madaama wali uu awoodda ugu badan leeyahay Cabdi Maxamuud Cumar.

Ninkan dhalinyarada ah ee kursiga madaxweyne ku fariistay ayaa ugu danbeyn dadka waxa uu usoo jeediyay in lala shaqeeyo isaguna uu la imaan doono isbadal dhaba.

Dadka falanqeeya arimaha dowlad deegaanka ayaa intooda badan aaminsan in isbadal uusan jirin oo wali uu deegaanka maamulayo Cabdi Maxamuud Cumar.