Muqidisho-KNN- Guddoomiyaha Guddiga dib u Eegista Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay halka uu marayo dib u Eegista Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in uu ku guuleestay guddiga 10 Cutub oo kamid ah Dastuurka in ay ku sameeyaan dib u Eegis islamarkaana ay u dhiman tahay 5 Cutub oo kaliya dhawaana ay soo wareejin doonaan dib u eegistii ay sameeyeen Guddiga dib u Eegista Dasuurka Soomaaliya.
“Waxaan ku guulaysanay in aan dib u eegno 9 Cutub oo dastuurka kamid ah waxaana noo harsan 5 cutub dhawaan ayaa ka dhamaan doonaa” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo la hadlay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Xasan Caawale Qaybdiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in la helo Maxkamad Dastuuri ah hadii aan la helina uusan dhamaan doonin Khilaafka mar kasta soo kala dhaxgala hogaanka Soomaaliya
“Hadii aan dalkaan loo helin Maxkamad dastuuri ah ma dhamaan doono khilaafka hogaanka dalka iyo is qab qabsiga awoodaha” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid Guddoomiyaha Guddiga dib u Eegista Dastuurka Soomaaliya.