Somali News

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo dhaliilay Dowlada.

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hoggaamiyaha xisbiga wadajir  ahna mucaaradka ugu weyn ee Dowlada Dhexe oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa dad weyne aad u fara badan waxaa uu kula hadlay goob fakaaraha ah.

Waxaa uu sheegay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur inuu marka hore u mahadcelinayo dadweynaha aadka u faraha badan ee soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay.

Siyaasiga ayaa eedeyn kulul waxaa uu u jeediyay Dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in ay caburin ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Dowlada dhexe waxaa uu ku dhaliilay in ay bur burisay Maamul Gobaleedyada, isagoona Si weyn u taageeray Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.