Uncategorized

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo maanta ka soo hor muuqan doono Maxkamada Racfaanka gobalka Banaadir.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa  laga sugayaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kadib markii Maxkamadda Racfaanka qoraal ay horey u soo saartay ku sheegtay in 03-da January 2018 oo maanta ku aadan  Maxkamadda laga sugayo Siyaasiga.

Sidoo kale go’aankan Maxamadda waxaa uu soo baxay kaddib markii uu baaqday dacwaddii Arbacadii hore maadaama dib loo dhigay, kaddib markii uu xaadiri waayay C/Raxmaan ,islamarkaana uu diiday in ay tagaan qareenno matalaya.

Qoraalka Maxkamadda ay soo saartay waxaa sidoo kale ku qornaa in ay ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Sidoo kale Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa  ka qeyb galaya dhageysiga iyo Dooda Dacwadda, waxaana dhammaan dhinacyada lagu wargeliyay in ay waqtiga ilaaliyaan.

War-saxaafadeed uu dhawaan soo saaray  C/Raxmaan  cabdi shakuur ayuu ku sheegay in uusan jirin Qareen ku matalaya doodda Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,islamarkaana Qareennaddii hore uu qanadaraaskooda dhamaaday.