Uncategorized

Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo Xalay lagu weeraray Hoygiisa.

Muqdisho-KNN-Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ah Siyaasi Soomaaliyeed,islamarkaana u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay Saqdii dhexe waxaa lagu weeraray Hoygiisa oo u dhow hotel jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa loo malaynayaa inay qaadeen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya,inkastoo aanu jirin ilaa iyo hada Warar Xaqiiji kara   oo arimahaasi ku saabsan.

Inta la Xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday cabdi raxmaan shakuur,iyadoona la sheegay in siyaasiga uu ku dhaawacmay  Weeerarka lagu qaaday.

Xildhibaan Cabdi Fatax Ibraahim geesay oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay weerarka soo qaadeen,islamarkaana halkaasi lagu dhaawacay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur,kaasi oo ku aadan in wax faahfaahin ah uu ka bixiyo sida ay wax u dhaceen.sidoo kalana ma jiraan wax war ah oo hada ka soo baxay Dowlada Soomaaliya.