Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), kana mid ahaa R/wasaarayaashii soo maray dalka ayaa ka hadlay xanibadii shalay lagu sameeyay madaxweynayaashii ka horeeyay Madaxweyne Farmaajo ee kala ah Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo gargaar u siday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Cabdi weli Gaas ayaa sheegay in falka lagu sameeyay madaxweynayaashii hore ay aheyd wax laga xumaado .
Sidoo kale Gaas ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay yareeyaan xiisada u dhaxeesa, islamarkaana loo dhimriyo shacabka soomaaliyeed.
Shalay ayay aheyd markii madaxweynayaashii hore ee soomaaliya mudo saacad in kabadan lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.


