Somali News

Cabdi Xaashi oo Galmudug ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarka dowladnimada.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanbka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xalay ka qeyb galay xaflada furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyada ay leedahay nabada iyo dowladnimada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu maamulka Galmudug ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarka dowladnimada, isagoona sheegay in xiligan galmudug ay guul ka gaartay nabada, Islamarkaana ay isku tanaasuleen dadka dega deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu madaxda Galmudug ugu baaqay in ay iska ilaaliyan wax walbo oo dhibaato u keeni karta Nabada iyo dowladnimada ay ku talaabsadeen dadka degaanka deegaanada Galmudug,. Isagoona halkaasi ku soo bandhigay gabay ka hadlaya muhiimada ay leedahay nabada.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeyay shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar, kaasi oo lagu go’aamiyay nooca doorashada ee dalka ka dhici karta.