Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa been abuur ku tilmaamay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen, mid aan aheyn in la horgeeyey Golaha Shacabka, isla markaana uu baalmarsan yahay go’aankii maamul ee Guddiga wadajirka lagu magacaabay 28 bishii tagtay ee Febraayo, xadgudubna ku ah hannaanka xeer dejinta dalka, kuna abuureysa kalsooni daro hay’adaha kale ee dowladda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka, oo si gaar ah ugu saabsan afarta xeer ee laga been abuuray, inta laga saxayo qoraalka afarta xeer ee loo qeybiyay Golaha Shacabka loona marayo habraaca xeer dejinta Dastuuriga ah.