Somali News

Cabdi Xaashi oo sheegay in shirkii Baydhabo ahaa mid loogu heshiiyay dadka ka soo jeeda Soomaaliland.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BS Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay garbihiisa taagnaayeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo siyaasiin kale oo ka soo jeeda gobalada Waqooyi, ayaa weyn u dhaliilay natiijada ka soo baxday shirkii ku dhamaaday, kaas oo la sheegay in is faham looga gaaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in shirarkii ugu dambeeyay ee looga hadlayay aayaha Soomaaliya aan marna laga qeyb-gelin Dir iyo Beelaha 5-aad, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka awood qeybsiga oo ay ku dhisan-tahay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare  ee BS oo ay ka maquuto culees badan oo uu kala kulmay Villa Somalia ayaa sheegay in Shirka Baydhabo loogu heshiiyay dadka daga gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsaneen natiijjadii ka soo baxday shirkaas, waxa uu Madaxweyne ku eedeeyay in uu kala dhan-taalayo Midnimada Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid siyaasiinta faro-ku tiriska ee aan dalka ka bixin islamarkaana dhib u badan u maray midnimada Soomaali-weyn iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed ayaa sheegay in raadinta midnimadaas lagu colaadiyay isaga iyo saaxiibadiis. Guddoomiyaha ayaa sheegay in muddo 40 maalmood ah lagu xiray Soomaaliland isagoo raadinaya wadajirka koofur iyo waqooyi balse, balse loogu abaal-guday boob, caburin iyo dhibaatooyin kale isagoo kamid ah madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya