Somali News

Cabdi Xaashi” Rajo ayaan ka qabnaa in la xaliyo Khilaafka labada Gole”.

Muqdisho-KNN-Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in rajo wanaagsan uu ka muujinayo in la  xaliyo khilaafka  dhexeeya Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddomiyaha ayaa sheegay in xalinta khilaafaadkooda uu  dhex dhexaadin doono madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Guddomiyaha in dhowr jeer ay tanaasuleen Aqalka sare, taasina waxaa uu ku tilmaamay si loo saxo muranka ka dhex jiro, balse waxaa uu xusay in wali taasi aan xal waara laga gaarin.

Dhawaan ayay aheyd markii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay shaaciyeen  inaanu la shaqeyn karin Golaha Shacabka ee dalka oo uu ku eedeeyay arimo ay ka mid yihiin inuu hareer maray habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka, iyo wada shaqeyn la’aan ku aaddan xiriirka dibedda ee baarlamaanka federalka.

Halkan ka Dhageyso:-