Somali News

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay muranka ka taagan doorashada iyo qodobada la isku hayo

Wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye ayuu   kaga hadlay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame arimo dhowr  ah oo ay ka  mid yihiin  arimaha doorashada dalka, shirkii Xalane  ka dhacay,  qodobada weli la isku mari  la’yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  ayaa sheegay in iyagoo mucaaradka ah ay isku dayeen dadaalo la isku keenayo dhamaan madaxda dowlad  goboleedyada balse arintaasi ay fashilmatay, isagoona talaabadaasi ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale madaxweynaha soomaaliya ku dhaliilay inuusan rabin in dalka ay  ka dhacdo doorsho nabdoon , isagoona sheegay inuu doonayo muddo kororsi iyo doorasho boob ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaa sheegay in beesha caalamka ay u dulqaadan weysay sida ay wax u wadaan madaxda dowladda, islamarkaana arrintan ay suurtagal tahay in fara gelin toos ah lagu sameeyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sii kordhaya eeda  ay xubnaha Mucaaradka soomaaliya  ay u jeedinayaan madaxda  dowladda, islamarkaana marar badan ay ku celceliyeen in madaxda haatan talada heysa aysan rabin tartan doorasho , balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay qabsoomida  doorasho xor iyo xalaal ah.