Somali News

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in xubno ka tirsan NISA ay weli si xoog ah ugu jiraan guddiyada doorashooyinka

War qoraal ah oo ka soo baxay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa waxaa looga hadlay go”aanka ka soo baxay guddiggii loo xilsaaray xalinta tabashooyinka ka dhashay guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, taasi oo horey u gudbiyeen midowga musharixiinta mucaaradka.

 “Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay.Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay”Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubno ka mid ah hay’adda NISA ay weli ku jiraan guddiyada doorashooyinka, isagoona tilmaamay in si xoog ay ugu jiraan guddiyaada.

R/wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in si deg deg uu u xaliyo tabashooyinka laga qabo guddiga, islamarkaana arrintan loo maro wado sax ah oo daahfuran iyo dhexdhexaadnimo ay ku jiro, si buu yiri dalka ugu dhacdo doorasho.

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur